Qaab cusub oo ku sabsan sida loo dalbado gaadiidka dugsiga sannad dugsiyeedka 23/24

Annagu waxa aanu adiga ku xasuusinaynaa in aad adigan ah qofka masuulka ka ah ilmaha ama waalidka ah carruurta dhigata dugsiga hoose, marka laga reebo ardayda dhigata dugsiga gaarka ah, waa in aad ku dalbataa gaadiidka dugsiga adeegyadeena cusub ee elektaroonigga ah. Wax kaararka dugsiga ah lama diri doono ama dib looma buuxin doono in uun codsi la samayn mooyee.

Codsiyada sannad dugsiyeedka soo socda waa in la sameeyaa (8 mars-26 mars) si loo hubiyo in go’aanka ku saabsan gaadiidka dugsiga uu diyaar yahay bilowga sannad dugsiyeedka billaabmaya bisha agoosto.

Adeegga elektaroonigga ah waxaa laga heli karaa bogga internetka ee degmada laga billaabo
(Taariikhda la soo bandhigayo) oo waxaana soo galidda lagu sameeynayaa aqoonsiga elektaroonig ah. Haddii aadan haysan aqoonsi elektaroonig ah, waxa aad ka helaysaa adiga bangigaaga.

Waqtigan hadda xaadirka ah, ardayda qoys aqaleed lagu meeleeyay iyo dadka leh tiro qofeed ku meelgaarka ah ayaa loo tilmaamayaa arjiga warqadda foomka ah. Foomka waxaa laga heli karaa:

Adeegga macaamiisha ee degmada: 0225–55000
Bogga internetka ee degmada

Ujeedada isbedelka kan ahi waa, wax ay ka mid tahay in la wanaajiyo, khadka baska oo si fiican loo qorsheeyey iyo sidaas darteed saamaynta deegaanka oo yaraata iyo sidoo kale kharashka oo la yareeyo.

Haddii aad adigu qabtid wax su’aalo ah, waxa aad kula xiriiri kartaa kaaliyaha gaadiidka dugsiga dhanka e-mail.
skolskjuts@sater.se

Kontakta oss

När du kontaktar oss är det Säters kommuns kundtjänst som tar hand om dina frågor. Om du vill prata med en särskild person eller avdelning kan vi koppla dig vidare.

Öppettider

Måndag–fredag (lunchstängt 12.00 - 13.00): 08.00 - 16.15

Avvikande öppettider kan förekomma i samband med röda dagar, samt dag innan röd dag.

Mejla oss

Skicka ditt mejl till kommun@sater.se.

Ring oss

Prata med oss på tfn 0225-55 000.

Besök oss

Besök oss på Rådhuset, Åsgränd 2, Säter.