Information på somaliska
Förskola
keyboard_arrow_downWaxaad dugsiga barbaarinta boos ka heli kartaa laga bilaabo marka ilmahaagu sannad buuxsado ilaa uu ka bilaabayo dugsiga hoose.Dugsiga barbaarintu waa meel carruurtu ka hesho farxad, ammaan iyo aqoon. Waa meel ilmahaagu ugu horumarayo hab waafaqsan kartidiisa iyo xaaladihiisa. Dugsiga barbaarinta waxaa sare loogu qaadaa luuqadda, awoodda xisaabta, isticmaalka jirka iyo la dhaqanka dadka. Hawlaha halkaas ka socda waxaa aasaas u ah cayaaro, muusi9g iyo wax-abuur.
Degmada Säter waxaa ku yaal dugsiyo barbaarin oo ay ka mid yihiin kuwo ku yaal bartamaha magaalada, kuwo ku yaal Gustafs iyo Stora Skedvi oo tobaneeyo gaaraya.
Dugsiga barbaarintu wuxuu furan yahay saacadaha 6.30–18 ee maalmaha isniinta ilaa jimcaha.
Dugsiyo barbaarin oo gaar loo leeyahay kama jiraan degmada Säter.
Haddaba si aad boos uga hesho dugsiga barbaarinta waa inaad tahay qof shaqeeya ama waxbarasho ku jira. Ilmaha waalidka shaqadoonka ah ama ilmo kale guriga ku haya wuxuu xaq u leeyahay in uu dugsiga barbaarinta tago toddobaadkiiba 15 saac.
Haddaba si aad boos uga hesho dugsiga barbaarinta waxaa soo gudbineysaa codsi qoraal ah oo ama internet aad ka buuxineyso ama foom warqad ah. Waxaan jecel nahay inaad codsigaas ka soo gudbiso barta internet.
Du8gsiyada barbaarinta degmada S’äter
Dugsiyada barbaarinta caamka ah
Dugsiyada barbaarintu waa kuwo caam ah oo aan wax gaar ah qaabbilsanayn. Micnaha “caam” waxaa laga wadaa meel cid walba u furan – dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin dugsiga barbaarinta laga soo bilaabo dayrta ay buuxsadaan saddex sano.
Wax lacag ah lagama bixiyo dugsiyada barbaarinta caamka ah. Waxayna ka kooban yihiin 525 saac sannadkiiba. Dheereynta waqtiga waxaa la go’aamiyaa sannad-hawleed walba oo cusub. Wuxuu cunuggu dhiganayaa 5 saac maalintii, ee talaado ilaa khamiis, saacadaha 9–14.
Dugsiyada barbaarinta caamka ah kama aysan jiraan xannaano ku salaysan waxbarid (Qoysaska xannaanada carruurta).
Codsiga dugsiga barbaarinta toos uga samee bogga internet (Khaanadda bogga 5aad ku xariiq in codsigaagu ku saabsan yahay dugsiga barbaarinta.)
Codsiga dugsiga barbaarinta caamka ah – foom
Nooc kale oo barbaarin iyo xannaanayn carruur ah
Waxbarasho barbaarin ah oo laga qabanqaabiyo Gustafs iyo bartamaha Säter waxaa ka shaqeeya xannaaneeyayaal u shaqeeya degmada.
Bartamaha degmada Säter waxaa ka shaqeeya laba xannaaneeye oo hawsha ku qabta guriga midkood. Gustafs waxaa iska la shaqeeya saddex xannaaneeye, hawshaas oo lagu qabto maalmaha qaarkood guriga ku yaal dugsiga barbaarinta Konvaljen.
Maxay ku kala duwan yihiin xannaanada iyo barbaarintu?
Waxay ku kala duwan yihiin xarunta xannaanada carruurta iyo dugsiga barbaarintu in dugsiga barbaarintu uu leeyahay qaab dugsi oo lagu hago qorshe waxbarasho. Dhanka kale Hay’adda waxbarashada ayaa talooyin ka bixisa habka loo wado xarumaha xannaanada carruurta.
Farqi kale ayaa ah in shuruudda dugsiyada barbaarintu ay tahay in wax ka dhigaan macallimiin dugsiyada barbaarinta oo ruqsad haysta.
Cid xigto kuu ah xoog ma kuu adeegsatay?
keyboard_arrow_downXoog adeegsiga cid xigto kuu ah waxaa uu noqon karaa waxyaabo badan. Mararka qaar waa lammaane qofka geysta. Mararka qaarna waa qaraabada cidda geysata. Waxay sidoo kale noqon kartaa carruur wax u geysaneysa waaliddiinteeda. Xoog adeegsigu wuxuu noqon karaa mid maskaxda la xiriira, mid jirka la xiriira iyo mid galmada la xiriira. Waxaa uu ku saabsanaan karaa in qof:
- Uu kuugu yeero wax fool xun oo xun ama in aad maqashid in aad xuntihid oo aad dhib badantihid.
- Ku taqaantaqiyo, ku garaacayo, ku laadayo ama si uun kale uu kuu dhaawacayo
- Ku koontaroolayo oo uu ku xaddidayo, uu kugu qasbayo sameynta waxyaabo aadan dooneyn
- Kugu qasbayo in aad dhaqankaaga iyo qaabkaaga nolosha waafajisid
- Kugu qasbayo wax la xiriira galmo
- Dhaqaalahaaga koontaroolayo
Waxaad xaq u leedahay badbaado iyo taageero
Qof kasta oo ay tahayba xoog u adeegsi qof dhawi waa uu ku dhici karyaa. Adigaaga la wax yeelleeyay waxaad heleysaa macluumaad, badbaado iyo taageero, waxaana laguugu qaabilayaa ixtiraam iyo u damqasho. Waxa aad xaqa u leedahay. Haddii aad carruur leedahay carruurtu xitaa waxaa ay u baahantahay taageero.
Waxaa lagaa caawin karaa:
- Wada hadal taageero
- Badbaado iyo deegaan ku meel gaar ah
- Caawimaad dhaqaale
- Taageero xagga xiriirka hey’adaha dowladda ee kale, tusaale ahaan booliiska
Nala soo xiriir markaas aannu ku caawinnee. Waxaad ahaan kartaa qof aan la aqoonsan karin haddii aad dooneysid.
Haddii ay jirto khatar deg-deg ah, wac mar walba 112.
La xiriir:
Hawl: Socialkontoret
Nambar taleefan: 0225-55165
Carruur xigtadeeda kala kulmeysa xoog u adeegsi
keyboard_arrow_downIn lala kulmo xoog u adeegsi waxaa ay ka dhignaan kartaa in:
- Xoog laguu adeegsado (laga billaabo wax ku dhufasho, hataataqin, xoog u adeegsi xagga galmada la xiriira, silcin iyo handadaad diidmo xagga dareenka ah.
- Arag ama maqal xoog u adeegsi
- Arag calaamadaha xoog u adeegsiga (tusaale ahaan calaamado dil, waxyaabo jeexjeexan, baqdin)
- Dareen sida jawiga gurigu uu yahay
Carruurta badankoodu ogaal way u leeyihiin waxa qoyska ka dhacaya xitaa haddii xigtadu aynan taa u maleyneyn. Carruurtu si dhakhsi ah ayey u dareentaa marka uusan qof xigto ah fiicnaan dareemeynin, laakiin mar walba dareenkooda kama hadlaan. In canug uu si xun dareemayo ama uu welwel dareemayo waxaa taa beddelkeeda ay ka muuqan kartaa dheesha ama si kale oo ku ah hab dhaqankooda.
Sameyn wargelin ka welwelsanaan
Ma ka shakisantahay in canug uu khatar ku jiro? Samey ku wargelin ka welwelsanaan oo ku jeedda hey’adda adeegga bulshada. Hey’adda adeegga bulshada ayaa arrinka baareysa, bixineysa wadahadal taageero, qaadaneysana tallaabooyin lagama maarmaan ah.
Qaar dadka shaqeeya ka mid ah waajib ayey ku tahay in ay sameeyaan wargelin ka welwelsanaan. Waxaa ay tusaale ahaan khuseysaa adigaaga ka shaqeeya dugsiga, hey’adaha caafimaadka ama booliiska.
Taageero iyo caawimaad carruur la kulmay xoog u adeegsi
Xagga hey’adda adeegga bulshada waxa ay carruurta iyo xigtadoodu ka heli karan caawimaad. Tusaale ahaan:
- Wada hadal taageero
- Wadahadal kooxeed oo loogu tala galay carruurta
- Taageero ku aaddan doorka waaliddiinta sida ugu fiican canugga
- Qof lala xiriiro ama qoys lala xiriiro
- Tallaabooyin kale haddii xaaladdu ay noqoto mid degdeg ah, tusaale ahaan guri heegaan leh
Haddii ay jirto khatar deg-deg ah, wac mar walba 112.
La xiriir:
Hawl: Socialkontoret
Nambar taleefan: 0225-55165
Cid kale oo xigto kuu ah ma u adeegsatay xoog?
keyboard_arrow_down- Ma kugu adagtahay in aad caradaada koontarooshid?
- Si fudud ma ku maseyreysaa, mana noqoneysaa qof wax koontaroolaya?
- Qarka ma u fuushay in aad qof kugu dhaw xoog u adeegsatid?
- Qof kugu dhaw ma taqaantaqisay, ma garaacday ama si kale ma u dhaawacday?
- Ma ka baqdaa in aad xadka dhaaftid?
Waxaa jira taageero la heli karo. Haddii aad carruur leedahay taageero ayaad xitaa u heli kartaa doorkaaga waalidnimo.
Waxaa lagaa caawin karaa:
- Wada hadal taageero
- Caawimaad ku aaddan in la arko sababaha xoog adeegsiga keenaya iyo cawaaqibta ay ku yeelaneyso dadka kugu hareereysan.
- Cilmi ku aaddan sidii aad u xakamayn lahayd caradaada adigoo helaya wax xoog adeegsi beddelkiisa ah.
Nala soo xiriir markaas aannu ku caawinnee. Waxaad ahaan kartaa qof aan la aqoonsan karin haddii aad dooneysid.
Haddii ay jirto khatar deg-deg ah, wac mar walba 112.
La xiriir:
Hawl: Socialkontoret
Nambar taleefan: 0225-55165
Taageero waddani ah
keyboard_arrow_downKvinnofridslinjen 020-50 50 50
Talefoon taageero oo waddani ah oo loogu tala galay adigaaga la kulmay handadaad iyo xoog u adeegsi. Waad wici kartaa xitaa haddii aadan swiidhish ku hadlin. Wadahadalku wax lacag ah kuma fadhiyo, mana lagu arkayo warqadda qaansheegadka ee taleefanka. Waxaad ahaan kartaa cid qarsoon.
BRIS 116 110
Talefoon taageero oo loogu tala galay adigaaga dhallinta yar. Xitaa khadka intarneedka waa lagu wada sheekeysan karaa ama e-mail waa la diri karaa. Waxaad ahaan kartaa cid qarsoon.
RFSL:s brottsofferjour 020-34 13 16
Talefoon taageero oo laguugu tala galay adigaaga ah qaniis, mid labadaba u galmooda, mid isaga gudba, mid isaga goosha dhammaan ama waxa oo dhan isku ah loona geysta dembi ama xoog u adeegsi.
Terrafem 020- 52 10 10
Taleefan taageero oo loogu tala galay adigaaga xoogga loo adeegsaday. Luqado kala duwan oo fara badan ayaad taageero ku heli kartaa. Wadahadalku wax lacag ah kuma fadhiyo, mana lagu arkayo warqadda qaansheegadka ee taleefanka. Waxaad ahaan kartaa cid qarsoon.
Brottsofferjouren 0200-21 20 19
Talefoon taageero oo loogu tala galay adigaaga dembiga loo geystay. Waad wici kartaa xitaa haddii aadan swiidhish ku hadlin.
Dhallinyaro iyo xoog u adeegsi xagga xigto kala kulmid
keyboard_arrow_downXoog adeegsiga cid xigto kuu ah waxaa uu noqon karaa waxyaabo badan. Mararka qaar waa waalid cidda canug wax u geysaneysa. Mararka qaarna waa walaalaha. Waxaa ay sidoo kale noqon karaan qaraabo kale. Waxaa laga yaaba in ay ahaato cid aad isla nooshihiin oo xiriir idinka dhexeeyo. Xoog u adeegsigu wuxuu noqon karaa maskax ahaan, jir ahaan iyo mid galmo la xiriira. Waxaa uu ku saabsanaan karaa in qof:
- Uu kuugu yeero wax fool xun oo xun ama in aad maqashid in aad xuntihid oo aad dhib badantihid.
- Ku taqaantaqiyo, ku garaacayo, ku laadayo ama si uun kale uu kuu dhaawacayo
- Ku koontaroolayo oo uu ku xaddidayo, uu kugu qasbayo sameynta waxyaabo aadan dooneyn
- Kugu handadayaa in uu iska kaa dirayo ama guriga kaa saarayo, ama uu guriga kugu xirayo.
- Kugu qasbayo wax la xiriira galmo
- Kugu qasbayo in aad shuruuc go’an raacdid si aad u dhawrtid sumcadda qoyska.
- Xoog u adeegsanaya qof kale oo qoyska ka mid ah
Waxaad xaq u leedahay badbaado iyo taageero
Waa caadi in la noqdo qof welwelsan oo murugeysan marka qofka xoog loo adeegsado. Waa muhiim in aad taas kala hadashid qof wax dhegeysanaya oo doonaya in uu wax caawiyo. Haddii cid ka yar 18 sano wax loo geysto mar walba waa mas’uuliyadda dadka waaweyn. Xagga hey’adda adeegga bulshada waxaad ka heli kartaan cawimaad taageero, badbaado iyo waxyaabo xagga farsamada la xiriira.
Waxaa lagaa caawin karaa:
- Wada hadal taageero
- Badbaado iyo deegaan ku meel gaar ah
- Wadahadal taageero oo lala yeesho qoyska si caawimaad loo helo si is fahmid la’aanta loo maareeyo
Nala soo xiriir markaas aannu ku caawinnee. Waxaad ahaan kartaa cid qarsoon, umana baahnid in aad sheegtid magacaaga ama halka aad deggantihid.
Haddii ay jirto khatar deg-deg ah, wac mar walba 112.
La xiriir:
Hawl: Socialkontoret
Nambar taleefan: 0225-55165
Dugsiga hoose/dhexe
keyboard_arrow_downWaxbarashada khasabka ahi waxay waajib ku tahay dhammaan carruurta Iswiidhen ku nool oo da’doodu u dhexeyso toddobo ilaa lix iyo toban sano. Waxbarashadaasina waa mid khasab ah oo bilaash ah. Dhammaan carruurta lix sano jirka ah oo ku nool Säter waxay toos boos uga helaan fasalada barbaarinta ee dugsiyada xaafadaha.Degmada Säter waxaa ku yaal afar dugsi hoose/dhexe oo ay degmadu leedahay.
Caadadu sida ay tahay waxay carruurtu badanaaba dhigtaan dugsiga ugu dhow meesha ay deggan yihiin. Ardayda iyo waalidku waxay dooran karaan dugsi ku yaal degmo kale, ha ahaado mid dowladeed ama mid gaar loo leeyahay.
Dugsiyo hoose oo gaar loo leeyahay kama jiraan Säter, laakiin waxay ka jiraan degmooyinka nagu dheggan ee Hedemora, Borlänge iyo Falun.
Dugsi sare
keyboard_arrow_downHadda wixii ka dambeeya degmada Säter lagu ma dhigan doono maaddooyinka barnaamijka qaranka, laakiin waxay degmadu si dhow ula shaqeyneysaa degmooyinka deriska la ah si ay ardayda degmadu uga dhigtaan maaddooyinka barnaamijka qaranka. Codsiga waxbarashada dugsiga sare waxaad u gudbineysaa qaabbilaadda ardayda ee Gobolka Dalarna.
Degmada Säter waxay qabanqaabisaa afar ka mid ah shanta barnaamij oo lagu dhigo Xarunta aqoonta ee Dahlander ee xeebta Ljustern. Kuwaas oo kala ah:
- Mid shakhsi walba goonni loogu eego (IMIND)
- Mid luuqadda lagu soo bandhigo (IMSPR)
- Waxbarasho diyaarin ah (IMPRE)
- Mid xirfadaha lagu soo bandhigo (IMYRK)
Waxbarasho dugsi sare ee degmo kale
Kow iyo toban degmo oo ka tirsan gobolka Dalarna ayaa iska la shaqeeya sidii ay ardayda fursad ugu siin lahaayeen inay dhigtaan nooca waxbarashada ay doonayaan – iyadoo aan loo eegin meesha waxbarashadaas laga qabanqaabinayo. Goobta Gysam waxaad ka heleysaa goobaha laga qabanqaabinayo waxbarashooyinkaas qaranka.
Waxaad sidoo kale codsan kartaa dugsi sare oo ku yaal degmo kale ama dugsi sare oo gaar loo leeyahay. Xaqa loo leeyahay lacagta cuntada jiifta waxaa saamayn ku yeelan kara haddii waxbarashada aad dooneyso inaad bilowdo laga heli karo degaankaaga.